VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Waa inoo aroos wacan - Lyrics

Siciid Mire

Amraney waa idlaatay taladiiyee
amraney waa ayaamo qaybtiyee
waa la gaaray iidiiyee
waa inoo aroos wacan

Faduma Duur

Asadow waa aayaheeniiye
asadow waa uur samaantiiye
waa aqal galkeeniiye
waa inoo aroos wacan

Siciid Mire

Amraney ileys baa inoo baxayee
amraney uubaxiina waa korayeey
alla mahadii weeyaane
waa inoo aroos wacan

Faduma Duur

Asadow waa aaminteeniiye
asadow waa edig caashaqe
waa ulaad dugeeniye
waa inoo aroos wacan

Siciid Mire

Amraney waa dilaacay oogiyee
amraney waa ahaatay teeniyee
waa ishaaro kheyr badane
waa inoo aroos wacan

Queue is empty
-- / --