VOA A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U W X Y Z

Calaamad suaal Lyrics

waa calaamad su'aal
cajaa'ib jacayl
caalimiintu aqoon
cidi aanay dawayn

waa calaamad su'aal
yarkii aan calmadaa
caafimaadka u roon
inaan hees curiyaa

caashaqaa i baree
carabkaan ku hayaa
cawa hees u tirshaa
calaf iima ihiye

waa calaamad su'aal
curadkan i hayaa
cilad weeyi dhiblee
yaa i caawin kara

waa calaamad suaal
anaa caashaqayoo
cidi ima ogee
waan cadilanee

Lyyrics by: anwar

Song name
-- / --