Heesta Ciida - Lyrics
ciid wanaagsan ciida
dharaaraha ilaahay
midba magaca ku caane
ooy dhalatay ciiduye
dhamaystiran farxaduye
ciida ciida ciida
ciid wanagsan ciida
dhulka oo barwaaqa ah
dhirta u caleemane
dhayda iyo caanah
dhalintu ha ku ciide
ciida ciida ciida
ciid wanagsan ciida
dhaldhalaal ka noloshiy
dhar qurxoon aan xidhano
dhanbaalada qoraalada
isu dhiiba jacaylka oo
ciida ciida ciida
ciid wanagsan ciida
dhalaankii wayeelkuba
dhab u ciida maanto
dheeshiyo ciyaaraha
aynu dhaanto tumano oo
ciida ciida ciida
ciid wanagsan ciida