dhuuxaygiibaad tahay dhiigiyo lafabahaba
dhamow waad ki milantahay dhaayahaygibad
tahay

sidad ii dhawrtaan ana kuugu dhaartaa
laba wada dhashaan nahay jacayl wada
dhisan nahy

jacaylkii dhabaa dhaawac laga ilaashaa
raaxo lagu dhamaystaa
ana kolay dhankayga kama dheeliyaaye
dhinacaaga ila qabo

dhamaanteed naftayda dhabtii kuu hibeeyee
adiga oon aan dhayalsan iga dhawr wax yeelada

dheemantaan ahaynee dhaawac kuuma quudhee
dhiste aayahaygaay waxaad tahay dhamays tiran

jacayl loo dhanyahay iyo dhab kuwii is aamina
illaahay ku dhinac jiro dhaxalkoodu waa guul

taan u jeclaayeey dhamaanteed aduunyada
taan dhaafsanayneey allaw kuugu dhawr nabad

Exit mobile version