umadiyo heerkeeni horiyo
heeka nolosheena
taariikhda lagu qoriyee
laga halmaameyn
hadaan hoos u eego
wixii hore ka faalaado
dhulkoo hodanoo
doogoo hadhcadey
haraadoo buuxdaa
uu geeluu hawd iyo tigad
hagar la.aan daaqoo
oo laga hoos baxo tigaad
haliskiiisii baa noogu wacan
dhalintii hidaha oo wacneyd
haatuf uga yeedhay
dhalintii hawaawiguu lushee
hiiftay dhaqankooda
dhalintii haben dhaxa bartee
sooba hooyan weyday
dhaqnkii halaabee
waxbadan hayb na lagu waayey
dhaqankii haraatida kufrigu
haaraaaha uyeelay
dhaqankii lahyl haylayee
hiliinka weydaartey
dhaqankii hanfiga loobaxshee
meel hadhlaaba waayey
inuu lama huraan yahay
hadii hada la ogaadey
oo halistii gaadhiyo xumihii
hiilka rida yeeshay
oo heegan loo yahay sidii
loo hirgalinaayo
waa horumar aan gadhnay iyo
haybad iyo khayre
aabaha hogaanshuhu markuu
himilada keenay
wasiirkaa hanaan ka uqabtee
dib uhabeynayaaa
heeryada xilka uu qaadayiyo
hadaafka loo jeedo
inta kugu hareertaagane
hambalyiyo salaambuu
shacbigu hoo kuleeyahaye

Exit mobile version