VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Jacayl kula tol maaha - Lyrics

Jaceyl kula tolmaahee Tagoogyaha ma jabiyoo Intuu tiirka dhabarkiyo Isku taxay lafaha kale Ma i turuntureeyoo Ma ii tuuray jilibkoo Ma iskay dul taagoo Ma i yidhi car soo toos Markaan idhi maad iga tagin Tamar bay run sheegtee La ii xeytay turuqoo Wali ma i tirsanayaa Jaceyl kuuma tudhayee Intuu teedka feedhaha Mid mid uga talaabsaday Ma tantoomay oofaha Ma tigtigay xubnaha oo Ma talamay wadnaha oo Halistii ma taaboo Sanbabada ma u tagay Markaan idhi maad iga tagin Tamar bay run sheegtee La ii xeytay turuqoo Wali ma i tirsanayaa Jaceyl may taxaaboo Keymihii taleexiyo Tajad ma ila tagayoo Toori ma iila soo baxay Ma tabaabushaystoo Tunka ma iga fuuloo Waa tabaadi xooglehe Ma ila dhacay tib iyo dhagax Markaan idhi maad iga tagin Tamar bay run sheegtee La ii xeytay turuqoo Wali ma i tirsanayaa
Queue is empty
-- / --