Heesta Qaniinyada Abeesada - Lyrics
qaadirow habeenadan miyay qulubtay laabtaydu qarandida sideedii anoo ciida qodanaaya
intii aan qandood saday miyaan cadho qamuun yaystay ma qiiq baa caloosha iga baxay qanac nimadayda qoloftaa kabriidkiyo miyaan qori ka dhuub naaday sabarada qaaloodiga miyaan qaydka ku adkeeyay ma kuwaan qareen moodayaa qoolka igu roorshay qaaradaha aduunyada miyaan qaylada u tabiyay qoomamada waxaa iigu wacan qoortanbay go'ane qabrigiyo xabaalaha rag waa lagala quustaaye nin gumaysi kaa qaaday baan laga qaboobayne ma qurbuhuu walalkay udiray sow la qarin maayo
qaniin yada abeesada qacda horaad ku dhimataa ama qodaxda kugu maqan x2
qalbigana haduu jabo ama qoonmo aadmiga qabriguu u halis yahayee yahayee x2
waana lagu qafiifaa sida ruux qariib iyo quraan ruug intuu dilay qoor gooyo looxiray
ma qaldhabay ma qaanacay maka qeelshay buuraha qarfa ciilkii ma idhigay x2
waxay dumarku qiimiyo qurux ay ku leeyihiin qoyskiyo ragoodee x2
mar hadaan qudhii jirin qumanow walal qiro qabyo weeye noloshuye x2
hadaad aragto qayrkii sidii aad qumbacan laheed naftanay qadhaadh kiyo qoondayso dhimashada qabrigaad galaysiyo sii qodo xabaashana nolol waan ka quustee