zaynee nabi zaynee
salam caleeg nabi saynee

waagoo siraatoo
sii daayay nuurkow
sabada iftiinshow
salam caleeg nabi saynee

saxarkii dhaqaaqee
heegada dul soofee
xidigaha la saaroow
salam caleeg nabi saynee

kii sabiga liitiyo
saaciday agoontee
dhoorka u salaaxoow
salam caleeg nabi saynee

seeftii islaamkee
waynuhu na siiyow
samo kuugu baaqnee
salam caleeg nabi saynee

nabigaan sugaynee
noo shafeec ahaayoow
samo kuugu baaqnee
salaam caleeg nabi saynee

nabigii suniyo faral
labadaba sal gaadhee
sigib tiray warkiisoow
salam caleeg nabi saynee

suurtiyo qiyaamaha
cidna aan la seegayn
naga samata bixiyoow
salaam caleeg nabi saynee

by masuul.com
lyrics

Exit mobile version