culusaa ALLAHAYAW
naftu caato badana
arimuhu cuyubanaa
ciil kaanbi waynaa

ma dhulkaan colownoo
cirkana igu soo dumay
waa maxay cidhiidhigani

calaf lama hor jogsado
ana kuma cadho qabo
ciil kaanbi ha u dhiman
talana waa calool adayg

hadii wacadkii caaribay
ana caashaq ha dilo
adna caano iyo nabad
cimrigaa ku noolow

waxay daruuri curataa
kolkuu CAADIL shubayee
dhirtu waxay cusbaata
ay curubta saartaa

kolkay ciidu qoydeey
xididadu cabaanbay
bixisaa caleentee

waa hadal caqliga gala
ama la isu celiyee
wax se caawa ii daran
taladan cayn wareegtee

ana culuq ILAAHIYO
caynaano ii maqan
adiguna caqiidiyo
caafimaad ku noolow

calooshuna kumay nicin
cidna kaama raacine
sow nabadii ceeliyo
cunsur aabo kuma ridin

ana sow caanaan iyo
cadho waalid kama baqan
miyaan tiisii caariday

ubad waa la celiyaa
cudud lagu faanaa
caashaq ku weerara
ayaa loola cawdaa

nin canaan ka yaabi
ceeb saar ma doontee
caadada dadkeenuna
inay cidhib la'aan tahay
jacaylkii ceebla iyo helay
ee dilay cilmiyo hodan
sow laguma caayin

waa igu cuslaayoo
sidii caamir loo helay
ciirciiris baan ahee
adigana ma toobsaday

Exit mobile version