VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Dalkeeygoow mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Fadumo Q Hilowle
Dalkeeygoow

Dalkeeygoow Dushaadu
waa barwaaqe Dalkeeygow,
Dalkeeygow Dabeeshadu
waa Udgoontahee Dalkeeygow,

Dalxiiskaagi maan imaanin,
Dalkeeygoow,
Meelaan kugu doorsanaayaa,
Miyeey dunidaba ku taalaa
Dalkeeygoow,,

Inaan dibadahaa wareegoo,
Inaan dawarsadoo shisheeyahaa,

Dal laawe inaan ahaado,
Qaxooti inaan dan moodo,

Waxay dantu igu xanbaartay,
Dalkeeygoow,
Kolkii duulba duul wareemay,
Dalkeeygoow,
Sokeeye kolkuu is dooxay,
Dalkeeygoow,
Kolkii Nabad la isku diiday,
Dalkeeygoow,
Duqoowdina la dhaafi waayay,
Dalkeeygoow,

Kolkeey Dahaadeed Hundaacay,
Ayaan Nafta la soo talaabay,
Dalkeeygoow,

Dalkeeygoow Dushaadu
waa barwaaqe Dalkeeygow,
Dalkeeygow Dabeeshaadu
waa Udgoontahee Dalkeeygow,

Dalxiiskaagi maan imaanin,
Dalkeeygoow,
Meelaan kugu doorsanaayaa,
Miyeey dunidaba ku taalaa
Dalkeeygoow,,…..

codkii Fadumo Q Hilowle