Heesta Dhabta isaar - Lyrics
dharaartan ku arkaa
ishayda ku dhacdee
dhaar waxaan ku maryaa
inaanan ku dhaafin
wiilyahay dhinacaaga
aan la dhuubtayee
ina dheeshablaysa
dhabeel iyo dhabankagu
dhalinkaad dhamaantod
adiga ka dhexsaarte
dhibaatada iga dhowree
dhankaaga ahaye
wiilyahay dhinacaaga
aan la dhuubtayee
ina dheeshablaysa
dhabeel iyo dhabankagu