Heesta Dheegag - Lyrics
Dheegag iyo layaab beey
dadkii dhabanada la heeystaan
dhiilada dagaalada
dhibta eey abuureen
Dagaalka qabyaaladeed
markaan dheef moodnayee
qarankeene dhisnaa
hadaan dhamac daba ku hurinay
maxa dhaad noo dugul
Habeen iyo dharaar
dhawaacaan wada tuban
meydku waa kan dhinac yaal
isbitaalku dhigaal ma leh
dhiig joojin ma leh
dhib xumaay dhimasha ka roon
sideey uga dhiidhinaa
Soomaalaay uga dhiidhina
Dhulkeeni wacnaa
hadii aan ka dhoofnay
shisheeye isku dhiibnay
misna aqalkeeni siinay
Dhalinteyni hadeey
badaha ku dhamaanayaan
dhalaanka iyo hooyadood
qooxootiga ku dhimanayaan
maxaa noo dhoorsanoo
dhoorsanoo noo dhigan
Habeen iyo dharaar
dhawaacaan wada tuban
meydku waa kan dhinac yaal
isbitaalku dhigaal ma leh
dhiig joojin ma leh
dhib xumaay dhimasha ka roon
sideey uga dhiidhinaa
Soomaalaay uga dhiidhina