VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Garaadlaay mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Falis Abdi
Garaadlaay

Ma ogtahey garaadlaay
geed miro ku yaalaan
intuu baxay gun iyo baar
gurashada diyaar u ah

Mar hadaadan gaareyn
geeraar raqisiyo
gucla orodka racdada
waxba kuuma gooysee

Gocashada adoon badin
inaad dowga garataa
ameey ameey
kulagudboon tahay?

Gacalkaa galdoorsaday
guubaabo iyo hees
midna laguma gaaree
oo intaa goori goor tahay
daydayo gayaanka
daydayo
daydayo gayaanka

Guusha iyo ayaankuba
galad Ebbe weyoo
hadaan Guule kuu qorin
si xun laguma goobee

Inta labo gayaano
guri yeeshay oo laday
galadoo is leedahay
guuleysan meysidee

Guryo noqoshadoodiyo
gacan dhaafka reeraha
godobyeey
godobyeey
godob yaanaan kugu noqon

Gacalkaa galdoorsaday
guubaabo iyo hees
midna laguma gaaree
oo intaa goori goor tahay
daydayo gayaanka
daydayo
daydayo gayaanka


codkii Falis Abdi