VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Khawaarij - Lyrics

Dhulka oo cuskaday Roob dalsan caydhiin Oo ugub wali dagin Cid iyo qolo qowlka Cowska iyo curdankiyo Curubta iyo geedaha Naqa wada cusaybka Ah cidhifka isa saareen X2 Ubax caynba cayn ihi Caleemaha kor uga Mudhay balan baalis Calama leh hadba cug-- Ta xiisaha shimbiruhu Cod faraxliyo luuqda Isu celinayaan x2 Calcalyada xareedunaa Ceegaagta godamada Rahu rahu caadadiisii Ka dhex ciyay jidhamaha Badi labadii fiid cowl X2 Cosobkaa ugbaadka oo Ku cigaalan dharaboo Subaxdii cad ceedunaa Ku casuumtay nuurkii Ayaad ii cajabisaa calaf Haysku keensimo mid Leh caano iyo nabad Insha'allah x2 Caradaan tilmaamoo Cawayskii gud gude Helay saakana cawale Soo celiyay mayaygoo Guulaamo culus iyo Xini caal madoobe ihi Cirifka isu geeyeen X2 Oo heego culay ihi Camal hoorimad tahay Daruuraha is curay iyo Meexaano curashada Caliyaha hilaaciyoo Onkod cabatay fiintii X2 Cabaar ruuxa daawaday Fadka caaradiisoo sida Bulay cad mooyee inta Kale caqligu sixin cayn Ka'ay u egyihiin x2 Cabiraada noloshoo Cindigayga saan qabay Qurux waad is celisaan Ku cugtaye insha'allah Calaf haysku keensimo Mid leh caano iyo nabad Insha'allah x2
Queue is empty
-- / --