VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Kugu dhimay mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Falis Abdi
Kugu dhimay

Qaraxyadii ka dhacay
Dhulkeenii lagu dhamaayoo
Kan dhigay iyo kan dhintay
Misna way Wada dhasheenoo
Kugu dhimay kaa dhimay
Alshababow dhibka daaya
Shacabka dhawr (dhoor)

Dadka aad dhamaynaysan
Waa dad Wada dhalaten
Dhulka aad gubaysan
Dhaxalkiina weeyan
Is qarxinta naga dhaafa
Dhibatada naga daaya
Dhalankiyo halaynina
Bulshaden dhamanted
Waxgalkiyo dhaqtarada
Waayeelada ha dhagrina
Dhawra oo ilaashada
Haweenkena dheemanka ah
Hubka dhiga Isis iyo
Xagjirnimo ka dheeraada
Alqacida ka dhamaada
Nolashiina yaysan dhumin
Kuwaan dhimman
Dhimirkana beelay
Dhagihiina ka furaysta
Dhaqankooda diida
Dib u dhaca wadankena
Dhalinyaroy ka fogaada
Qaran’nimo loo dhanyahay
Dhidibada u adkeeya
Hadalkayga dhuuxa
Nabada dheefa
Xasilooni lagu dhargo
Somaliyey Ka dhabeeya
Alshababow dhaca
Dhagahana beela
Dhudhumada ka jaboo
Dhuma oo ba’a =

Qaraxyadii ka dhacay
Dhulkeenii lagu dhamaayoo
Kan dhigay iyo kan dhintay
Misna way Wada dhasheenoo
Kugu dhimay kaa dhimay
Alshababow dhibka daaya
Shacabka dhawr (dhoor)

Dhalinteena badankood
Dhibtooden
Saxarahay ku dhumayan
Dhamaden
Silic bayna ka dhargen
Dharaarahan
Waalidiintii dhalayna
Dhakafaareen
Dheldhel ha umodina
Adinkiyo dhidirada
Isma dhantan
Dhurwaa iyo waxad tihin
Dhashii baas
Danaystaha an dhargayn
ha dhaco
Kuwa dhuuni raaca
Ha dhacaan
Daba dhilifyaduna
Ha dhacaan
Dhawaqayga maqal
Yuu ku dhaafine
Halagan an dhamaanayn
Ka dhiidhiya
Dhowrtadana badiya
Ku dhiirada
Isku soo dhawada
Isku so dhawada
Gacmahana isku dhiiba
Wadankana dhista
Alshababow Dhaca
Xagjirnimoy dhac
Isis oo dhaca
Mintidiintow dhac
Xagjirintow dhaca
Alshabow dhaca
Dhagahana bela
Dhudhumada ka jabo
Dhuma oo ba’a

Qaraxyadii ka dhacay
Dhulkeenii lagu dhamaayoo
Kan dhigay iyo kan dhintay
Misna way Wada dhasheenoo
Kugu dhimay kaa dhimay
Alshababow dhibka daaya
Shacabka dhawr (dhoor)

codkii Falis Abdi, Shiine Akhyaar, Waayaha Cusub