Heesta Raaliyan ku noqon lahaa - Lyrics
raaliyaan kuu noqon lahaa
reerbaan kuu dhaqi lahaa
raas waynbaan noqon lahaa
haduu RABIGEEN ina siiyana
ubadbaan kuu rabayn lahaa
kuma rabo waxa iiga roon
adoo rubada iga jara
haduu ra'yigaagu kaa yahay
RABIyo ragbay u taalee
raxmadi furanban ku leeyahay
roobaa noo di'i lahaa
raysbaan wada dagi lahayn
ramadbaa noo dhali lahaa
inagoo isu raaliyana
nolol raaxaan heli lahayn