Heesta Qaaliyow - Lyrics
qaaliyow waxaad tahay quruxdii ragoo idil
kaa quusan waayoo ana kugu qanwaynaa
qarnigaa maan arag midaan kugu qiyaaso
qaarado ku noolo kula qayb dhigayee
qatar baan ku suganahay cishqibaa i qaribay
igu kaa qar qarshay qaliyow qushooc kamaba daalayee
qandha weeye caashaqu qofka lagu talaalee
ha qilaafin noloshee qimee naftaydaa
qaban qaabadaydii qisadiyo u jeedada
waa aqal galkeeniiyee ha qilaafin sheekada