Heesta Qushuuc - Lyrics
Qaaliyow waxaa tahay
quruxdii ragow idil
ka quusan waayee
ana kugu qar waynahay
Qarnigaaan maan arak
midaa kugu qayaaso
qaaradan ku noolow
kula qaybinayeee
Qatalbaa ku suganahay
ku suganahay
cishqi baa i qarabayow
igukaa qalqaashow qaaliyow
qushuuc kamaba daalinee
ala qushuuc kamaba daalineee
Qandho weeye caashaqu
qofku lagu tilaalee
ha qilaafin nolosheee
qiimey nafteydana
Qaban qabaadaa wayday
qisada iyo u jaydanaa
waaa aqal galkeen
ha qilaafin sheykadaa
Qatalbaa ku suganahay
ku suganahay
cishqi baa i qarabayow
igukaa qalqaashow qaaliyow
qushuuc kamaba daalinee
ala qushuuc kamaba daalineee