Sidii budh caleen leh
Wasiiska baxaaya
Cadceedda u baahan
Baxaadda dareenka
Naftayda ku beegan
Adaa igu beerayee

Bukaanka jacaylka
Ee dartaa ii biraystay
Xabiibi iga baano

Naftani ku bogaadin
Bishaara jawaaba
Baxnaano usoo tar

Bilicda iyo muuqa
Boggayga tabaaya
Indhaha u basaasay
Baydbaydhka turxaanta
Jirkayga ku baahay
Adaa igu beerayee

Boholyoowga jacaylka
Dartaa ii biraystay
Xabiibi iga baano

Naftani ku bogaadin
Bishaaro jawaabaa
Baxnaano usoo tar

Exit mobile version