Heesta Nagaadi - Lyrics
Naftani keey xulatayee
Jacaylkuna naasiboo
Nolashaa farxad baad utahy
Niyaddana wehel baad u tahay
Jirkana nasiyaad utahay
Nagaadigii caashaqoo
Jacaylka naq baad u tahay
Nasteexaan ku faanayoo
Allaylahay waxaan najaxay
Markaan kuu helay nasiib
Qalbiga nuurkiisiyoow
Raggana nasabkaan heloow
Rajadaan naawilaayayee
Neecawda udgoonka leh iyoo
Nasriga iigu deeqayoo
Nagadigii caashaqoow
Jacaylka naq baad utahay
Nasteexaan ku faaniyo
Allaylahee
Waxaan najaxay
Markaan kuu helay nasiib