VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Wadada dawga cad - Lyrics

daawanaayoow waa dalkaagee dariiq loo dhisaaye marna waa dambi dhaafoo deeq ku taala daarta aakhiro weeye dar alle hala bixiyo duunyada wadada dawga cadi doc kastaba waa danteenee haloo soo dadaalo hooy dakaygoow lasoo dadaalo wadarta isku duuban ayaa dal dhistee marna waa da,yarteenoon duug u reebno aayahooda dambe dar allee hala bixiyo duunyada wadada dawga cadi doc kastaba waa danteene haloo soo dadaalo hooy dadkaygoow haloo soo dadaalo dalcad iyo naslad baa gaadiidkii dirgan waayoo dooxyo soo rogmanaayaa dadka qaadoo dalka loo mari waayee dar allee hala bixiyo duunyada wadada dawga cadi doc kastaba waa danteene haloo soo dadaalo wadada dawga cadi hooy dadkaygoow haloo soo dadaalo waa dariiqii dahabkiyo macdanta dallka hooyo marna waa dariskeena dalxigaalka jabuuti dawgii loo marayee dar allee hala bixiyo duunyada wadada dawga cadi doc kastaba waa danteene haloo soo dadaalo hooy dadkaygoow haloo soo dadaalo
Queue is empty
-- / --