xidigtii quruxdaay xabiibi

xaqdhawr badanoow xabiibi

xulkii sanadkiyo qarniga
hablaha laga xaadirshee
xisaabta gashaay xabiibi

xilkaska lagu soo hirtee
xogtayda ku aaminaw
xalkii noloshoow xabiibi

xaq baan isku leenahoo
xurmaad iga mudantoo

xusuusta qalbiga dagtoo
xiisaha la wadaagayoow

ilaali xanaanadiisa
xili dadkuu faraxsan yihiin
jacaylkeenani xasilay

ilaali xanaanadiisa
xili dadku ay faraxsan yihiin
caashaqan xeradiisa dagay

xuskii farxadaay xabiibi

xigmadii caashaqoow xabiibi

illaa xaawa iyo aadan
hidaha ku xidhiidhsanee
xishood ku kortaay xabiibi

jishkiyo xaadiiisa iyo
xubnaha dhiiga isku dara
xididka kulmiyoow xabiibi

waxaa tahay xuural cayn
nasiib dunta iigu xidhay

xasadka caashaqa dardara
xayndaabkaan ka hoos galoow

ilaali xanaanadiisa
xili dadkuu faraxsan yihiin
jacaylkeenani xasilay

ilaali xanaanadiisa
xili dadku ay faraxsan yihiin
caashaqan xeradiisa dagay

Exit mobile version