Heesta Inuu Jaceylka halis yahay (Hodan) - Lyrics
in jacaylku halis yahay
hiirtaanyo kululyahay
hawliyo dhib leeyahay
anigoo haraadoo
ku habaabay hayboo
holin waayay socodko
hadalku igu adagyahay
ayaan waliba hodeneey
hawdkiyo abaaraha
kaa haybiyaayoo
heeso kaaga tiriyaa
in jacaylku horor yahay
hiirtaanyo kulul yahay
hibashana u daranyahay
anigo hoyaadoo
hoygaygii joogoo
meelna layga haynbaan
hurdo seexan waayaa
markaasaan haweeyaay
nafta kuu hibeeyaa
holowbaa miraysaa
kuugu hanbalyeeyaa