VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Adiga iga badan - Lyrics

Jacaylku hogaan is huray Hamuuntuna ib uma yara Hilawguna igama baxo,ee 2x Afkuna hadalkaaga iyo Hadaaqii wali ma dayn Halhays magacaagii noqay Adiga adiga magacaagii noqoyee 2x Beerkayga adaa hantiyay Bogayga adaa hadhsday Beerkayga adaa hantiyay Bogayga adaa hadhsday Hankaan adigaa dabraday Halyay kale kulama simo Hubaal hubaal adigaa iga badan Hubaal hubaal adigaa iga badan 2x Jacaylku hogaan is huray Hawshiisuna iguma yara Hamiga adigaan ka bixinee 2x Habsami socodkaaga iyo Horjoogaagu igama lumo Habeen qudha kaama lado Adigaa habeen qudha kaama lado,ee Habsami socodkaaga iyo Horjoogaagu igama lumo Habeen qudha kaama lado Anigu habeen qudha kaama lado,ee Beerkayga adaa hantiyay Bogayga adaa hadhsday Beerkayga adaa hantiyay Bogayga adaa hadhsday Hankaan adigaa dabraday Halyay kale kulama simo Hubaal hubaal adigaa iga badan Hubaal hubaal adigaa iga badan 2x
Queue is empty
-- / --