Jacaylku hogaan is huray
Hamuuntuna ib uma yara
Hilawguna igama baxo,ee
2x

Afkuna hadalkaaga iyo
Hadaaqii wali ma dayn
Halhays magacaagii noqay
Adiga adiga magacaagii noqoyee
2x

Beerkayga adaa hantiyay
Bogayga adaa hadhsday
Beerkayga adaa hantiyay
Bogayga adaa hadhsday
Hankaan adigaa dabraday
Halyay kale kulama simo
Hubaal hubaal adigaa iga badan
Hubaal hubaal adigaa iga badan
2x

Jacaylku hogaan is huray
Hawshiisuna iguma yara
Hamiga adigaan ka bixinee
2x

Habsami socodkaaga iyo
Horjoogaagu igama lumo
Habeen qudha kaama lado
Adigaa habeen qudha kaama lado,ee

Habsami socodkaaga iyo
Horjoogaagu igama lumo
Habeen qudha kaama lado
Anigu habeen qudha kaama lado,ee

Beerkayga adaa hantiyay
Bogayga adaa hadhsday
Beerkayga adaa hantiyay
Bogayga adaa hadhsday
Hankaan adigaa dabraday
Halyay kale kulama simo
Hubaal hubaal adigaa iga badan
Hubaal hubaal adigaa iga badan
2x

Exit mobile version