bogaad igaaga taaliyo
bar kalee ka waynayn
midi bogsiin hadaad tahay
axdiguna bir kula yahay

beerkiyo wadnuhu ani
sow ima babanayaan
adaa baday jacaylkee
haraadkiiba kama bi in

balse hadaan barbaartii
baxsanoow daraada
uga soo banaan baxay
cidla ha igu baylihin

bohol yoow daraadii
badhtamaha habeenkii
sow ma soo baraarugo
oo bogaygu kuma tabo

balan taynu dhiganaba
waligaa ha beeneyn
barashadiyo kalgacalkuna
bilaash yayna kula noqon
by masuul.com

Exit mobile version