Heesta Beer wax dhalay - Lyrics
Sidaan ahay Beer wax dhalay
Beryana Curadkiisi tabay
Kabadoo ay indhuhu basaaseen
Aawadii ayaan boholyoobayoo X2
Beryana wey igu fogtahee
Inaan ku baxnaaniyee X2
Badaa ina kala xidhee
Ha beynin wacadkiyo
Besteey baan weli ahee
Ha moodin inaan bogsaday X2
Bidhaan Quraxoow Adi dartaa
Hurdaba bogan waayayoo
Jaceylkii Boodhari diliyo
Kalgacal aan iga ba'eyn
Ayaad igu beertayoo X2
Barta wadnaha adigaa ku yaal
Bogana waad suran tehee X2
Badaa ina kala xidhee
Ha beeneyn wacadkiyo
Bisteey baan weli ehee
Ha moodin inaan bogsaday X2