VOA A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U W X Y Z


Daadihi jaceylka Lyrics

Dareenkaygu Caashaqu 
Adiga uu ku doortee
Inanyahoow daraada
Adaan kuu ildaranahay

Indhahayga daymadaa
Marnaba kaama daalaan
Oo kaama daalaan
Way kugu  ildoogtaan

Adna haigu daginee
Usoo dabac naftayda 
Daadihi , Daadihii, Daadihi..
Daadihi Jacaylkooo

Macaan ha’igu diganine
Usoo dabac naftaydoow
Daadihi , Daadihii, Daadihi.
Daadihi Jacaylkoow

Dadku way ila yaabaan
Annigoo dumar ahow
Damaq iyo xanuun dartaa
Adi  ku day-dayaayee

Waxaa ii dabiib ahoow
Dawo ii ahaan kara
Doogaaga hadalkee 
Soo  Duul Macaanoow

Oo Haigu diganinee
Usoo dabac naftaydoow
Daadihi , Daadihii, Daadihi.
Daadihi Jacaylkoow

loading..
-- / --