VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Duul wada dhashaan nahay - Lyrics

Duul wada Dhashaan nahay Dal qudhayni wada naal Dabuubiyo odhaah qudha Duul soomaali baan nahay Maxaa laysu dilayaa Laysu dabar jaraayaa Dagaalada sokeeyaha yay yay dani ugu jirtaa In Qabiilku duli yahay Qabqabluhu dijaal yahay shacabkuna il daran yahay Alla ma cid bay ka dedan tahay? Daa,in idinku dhaarshee Diinta soo xasuustoo Danta nabada doona War dadka nolol u raadsha. Duul geedka damalka ah Doonyeesta baan nahay Daris iyo walaalnimo Dad islaama baynu nahay. Maxaa laysu dagayaa Laysku daba marteeyaa deydeyga iyo dadqalatada yaa doortey kaligii dagaal ooge nacab yahay dooral qaate duli yahay shacabkuna duleed yaal ma cid bay ka dedan tahay daa,in idinku dhaarshee diinta soo xasuustoo danta nabada doona war dadka nolol u raadsha
Queue is empty
-- / --