daruuraha mushaaxee
meeraayo samadee
mahiiganka roobkiyo
mayaygiyo biyaha sida
waa maamul eeboo
mucjisooyin waxa jira
aayaduhu macneeyo
mina laahi laga wado

dhurtu inay magooshoo
barwaaqada ku milantiyo
mira iyo cagaariyo
geeduhu man bixiyaan
waa maamul eboo
mucjisooyin waxa jira
aayaduhu macneeyeen
mina laahi laga wado

noolaha markaa cuna
inay mahad u celiyaan
mawlaha xasuustaan
mid ku waajib noqotee
waa maamul eeboo
mucjisooyin waxaa jira
aayaduhu macneeyeen
mina laahi laga wado

xidid dhiig mareenoo
kolka midiyo lagu saro
maashee xinjira dhiig
marna caano laga dhamo
waa maamul eeboo
mucjisooyin waxaa jira
aayaduhu maneeyeen
mina laahi laga wado

Exit mobile version