VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Daryeel - Lyrics

Anoo damacaba jecel
doodiisa baran
da'deyduna ay yartahoo
guudka un la'ii dabay marka.

Ayuu diirarkii kalgacal
dusheyda ku hoorayoo
intuu boholyow i degay
naftuna naftuna naftuna
deexan tahee

Hoy hoy naftuna
naftuna naftuna naftuna
ku deexan tahee

Qalbiga kugu daahayoo
wadnaha daris baa la tahee
daryeelo daryeelo
daryeelo oo ila dadaal

...

Sidii webiyada durdura duurkaba
caashaqan i dagey
damaquna wa cishqiga
halbowlaha dhexdisa mira

Dabadeed dooq iyo kalgacal
aan wada dorandoorino
dabarkiiso dhan iyo
nimcada nimcada
nimcada ku dabalanee

Hoy hoy nimcada
nimcada nimcada 
ku dabalane

Qalbiga kugu daahayoo
wadnaha daris baa la tahee
daryeelo daryeelo
daryeelo oo ila dadaal

 

Queue is empty
-- / --