VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Deel qaafka - Lyrics

horaan kuugu daalee ha i dagin jacayloow anigoon digniin qabin ha i saarin doonyaha duufaanka caashaqu duulduulaami laaye cagta ii dhig dookhyow lahashooyna ha idiln ilayn ruux dareenloo damqanaayabaan ahee deel qaafka iga dhowr horaad iila daristee ha i dardarin jacaylow ha i dagin sidaadii dabinaad hagoogto dusha sare caleeniyo ubax aad ku daadiso kurbadaan dadoon jiray dib ha iigu soo celin
Queue is empty
-- / --