Jacayl qofuu dhaawacay
DHaraartii iyo habeenkii
Hurdadaba aan rabin
Dheelmanaayo waa aniga
in dhab caashaqo galayoo
Dhuuxiyo lafuhu dhaxmariyo
Dhiiga iyo wadnahu dhax dagay
Dhawaaqayga maqalkuna
adigu uun bay ku dhoowraan
Dheemanee ma isla dheelaa
Dheeshu way macaantahee
Dhayda caano geel dhadhaasan
Dhadhamiyo Dhab dhab ku siiya
Kalgacayl qofuu dhaadhsaday
Tii aan ka dharagoo
Oonkuna udheeryahoo
Waxaan ahay dhib
Aragaadu dhowrtoo
Indhahu kugu heestoo
Dhawaaqaga hadaan maqaloo
Waxaan hayaaba dhaafoo
Aduun baan ku dhageestaa
Dhamoo ma isla dheelaa
Dheeshu way macaantahee
Dhayda caano geel dhadhaasan
Dhadhamiyo Dhab dhab ku siiya
Gabar dhisan baa tahoo
Dhaxdu ay uyaratahoo
Dhuunigaba aan cunin
Dhuuntu ay ka xersantoo
Gabar kula dhigmeesana
Dhulkaba ma joogtooo
Dhool dhool cadeentana
Qurux kuu dhameestira
hablahoo idil
Dheemanee ma isla dheelaa
Dheeshu way macaantahee
Dhayda caano geel dhadhaasan
Dhadhamiyo Dhab dhab ku siiya
Isku soo dhawaashaha
dhunkashada shukaansiga
Ubax la isku dhiibaa
Kalgacaylka ku dhismaa
Dhibic roob da'eesaa
Dharka igu qooysoo
Dhaxan ha'igu deeninee
gabar dhul mareesana
Dhurwaayaa cunaayee
Dhamoo ma isla dheelaa
Dheeshu way macaantahee
Dhayda caano geel dhadhaasan
Dhadhamiyo Dhab dhab ku siiya