VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dookh - Lyrics

jacaylkaygu dookh weeye dareen iyo kal gacal weeye daacad iyo is fahan weeye dulqaad iyo xushmayn weeye damal la hadhsadaa weeye kaan dooni ji jiray weeye day dayi jiray weeye aan doortay kaligiina dadna iiga gooniya ii dabacsanow jeelo soo durug macaanowna aan is daawane kaalay ina daadahee huuno jacaylkaygu dahab maaha doolar iyo xariir maaha dabaqiyo fooq maaha darajo iyo xil wayn maaha damac iyo hunguri maaha midaan ii darayn weeye dadka iigu jecel weeye mid dantayda jecel weeye dadnimo igu raba weye dayax iyo cad ceed weeye dur dur iyo xareed weeye aan daawadaa weeye
Queue is empty
-- / --