ma anigaa dagaa
la ii duur xulaa
hadba shax yar la ii daga
ama la i duufsadaa

waan ku doonayee
miyaa marna aniga la i digaa
dugsigaygiiyoow miyaa
la isku keen diri karaa

ma anigaa la i dabaa
la i dabaal joogsadaa
hadba dabino la ii dhigaa
dawyo la iga raaridaa

waan ku doortaye miyaa
dirdiraha kuu maqlaa
dawadaydiiyow miyaa
la isku keen diraa

Exit mobile version