Heesta Gayaan - Lyrics
maxaan an ku gooboon
gabal dhacay iyo waabari
kaa dabo gucleeyoo
gayigaan ku noolahay
gacalkiyo xigaalkana
cidi ii garaabine
geesigaan jeclaayow
guhaad ciilka aan qabo
ilmada iiga gobo tidhi
gayaan anba ma waayine
adaan kuu go'doomoo
cidlo iiga guuree
gacanta igu saydhee
ala maxaan gaaf wareegoo
ku gaclooday adigoo
adna aanad garanayn
adaa gubay wanaagoo
iga gooyay laabtee
garab ha iga filaninee