Aj:
Googaa gacalooy nafteyday googaa
Fiska:
Cigale cigale gacalaheygoo cigale

AJ:
Guri lagu hirtaan ahay
gayaan iyo xul baan ahay

Fiska:
Gacma wada jiran naahay
gacal iyo xigtaan nahay
Aj:
Gunta xididka heesiyo
ilaa guudki ban ahay
Galad Eebe bixiyo
cawa dadab gashan ahay
Fiska:
Gogol lama huran iyo
gooni seexataan nahay
goob lagu nagaado
laga guurin ba nahay

AJ:
guga guga intaan la,eg
een haween ka gaabsaday
midii aan u gaaxde
ebed goobayaa tahay
Fiska:
Guulguulka sahankiyo g
gaada socodkii
midkaan raad guraaye
soo gaaray ba tahay

AJ:
Gareyskiyo adoon baran
gada timaha loo fido
oo gacalo hooydaa
taan u goohayaa tahay
Fiska:
Geediyow sidii ubax
soo wada gadoodsada
ama mira guduutoo
cidi guranin ba tahay

Aj:
gu’yaal samirkii badnaa
gobaadey waxaanahay
laba gaaxdi maalo
saadaashi gaaaro
gacmo wada jiraa nahay

Fiska:
gu’yaal samirkii badnaa
geedi dheer waxaanahay
laba gaaxdi maalo
saadaashi gaaaro
gacmo wada jiraa nahay

Exit mobile version