Xiligaan hargaysay
Taariikh xusuusloo
Kawaramo xogtaadoo
Xaruntii barbaartay
Rugtii xuural cayntoo
Xuduntii fanaankay
Hargaysay
Xiiso waxaan uqabo wayn
Xili imashadaadee
Xaashxaashka daawado
Kama xiiso go,ayee
Dhulka xero sanbaad tahay
Hargaysay
Xerodaan ku ababay hargaysay
Xaqna waad ku talisaa hargaysay
Gacal waad xurmaysaa hargaysay
Martina waad xushmaysaa hargaysay

Fiska

Xiliyadii horeen tagay
Xog waraysi aan helay
Xididadii musheekhday
Caruurtay udahabtahay
Xiisiyo mid quruxlay
Xaruntii dalkaygay hargaysay
Xeerbeegti odaynimo
Garyaqaan xaqsoor mudan
Xog ogaal hubsiimo le
Iyo guurti xaajada
Inta talada loo xulo
Hargaysay xerodoodii baad tahay
Xamdi mahadii weeyaan hargaysay
Xasilooni nabadley hargaysay
Xumo kuma haleelaan hargaysay
Xadaaradaan ku faanay hargaysay

Exit mobile version