Heesta Heelo - Lyrics
Habo taan ka doortaay
Hamigeeyga saaqdaay
Hanti taan ka heestaay
Halka halista iyo beerka
Adigaa hantoo hantiyee
Ha iga tagin hab isii
Halkan kaali
Oheey sidii hogol hilaacdaa
Fiskay kuu cilaasamaa
Anna sida inaan haraad qabo
Ayaan nafta kugu habaa
Horaanta caashaqa ha dhameenin
Habeenkuna yoo na dhaafin
Naa hooy heelada aan ciyaarnee
Haa hele helee
Halyeeygaan jeclaayoo
Haruudkii ragoo idil
Nafta kaan uhibeeyoo
Hawo dumar ka haray
Adigaa meel igu hubsadoo
Ha iga tagin hab isii oo
Halkaan kaalay
Hobeey hadaan adiga ku helin
Hobaal nafta heraad ma deeso
Ana sida dhalaan hiloow qabo
Ayaan Dhabta kugu haayayaa
Horaanta caashaqa ha dhameenin
Habeenkuna yuu na dhaafin
Naa hooy heelada ciyaarnoo