VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Iftiin mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Iftiin

ubadka sida loo barbaarshoo
basaas hooyo uga dhawrto
baarkiyo tinta loogu feedhaa
jacaylkana loo bilaa
qalbiga boholyawgu gaadhay
beerkiyo wadnaha is tabaaya
bu,diyo indhaha ilmeeyay
dareen balalaa shidaaya
bogiyo sambabada guntooda
maanka bariisaday xasuusta
muuqaan ka baxayn xiskayga
naftayda adaa ku beeray
iftiinka u baxa naftayda
halista kaan kaga badbaado
adaa biliyoo ilaysa
bartaan cagta dhigo iftiinsha

wadnaha adigaa i bisleeyay
bogayga adaa dalooshay
halbawlaha hadeer burqanaya
adaa xididada baneeyay
siduu ii bud dhigay jacaylku
baraad li,i wali ma seexan
daqiiqad ma baydhin maanku
adaa ku bardoodamaaya
hadana boqor mahadii weeyaan
hadaan barbarkaaga joogo
arooskeenii barbaartu
buliyo caawa hees tumayso
iftiinka u baxa naftayda
halista kaan kaga baado
adaa biliyoo ilayska
bartaan cagta dhigo iftiinsha

hadii boodhari jacaylku
bud dhigay oo sadqeeyay
beryahan kama aan sokayne
naftayda adaa badbaadshay
haween io barashadooda
midaan barbarkaaga keeno
u baaqayo dunida maanta
baabacadoo timo lleh weeye
inaynu labadii badhaadha
barwaaqo ku nool aduunka
noqono qoys nabad bariista
baryada rabi baan ku raagay
iftiinka u baxa naftayda
halista kaan kaga baado
adaa biliyoo ilayska
bartaan cagta dhigo iftiinsha

jacaylka adaa igu beeray
burhaantiisa i liqsiiyay
inaan hada kuu buseelo
adaa iga samaystay boowe
badwaynta jacayl naftayda
adaa badhtankeeda geeyay
adaa sida baraha robka
runtii ku bashiishtay maanka
adaa dhamac igu baxaysa
xabiibi bakhtiiin karaayee
bushaaradaan kuu hayaaye
ku baaqayna waa naftayda
iftiinka u baxa naftayda
halista kaan kaga baado
adaa biliyoo ilayska
bartaan cagta dhigo iftiinsha

codkii Farhia Fiska