Markaan meel kaaga jeedo
Sibaad ii jiidataayoo
Qalbiga kuu soo jid booda
Jacaylka kuu soo qasbaaya
Qalbiga kuu soo jid booda
Jacaylka kuu soo qasbaaya
2x

Hadaan ku jaleeci waayo waayo waayo
Dhaayuhu way jiriricoone jiriricoone
Indhaha kaa jeesan waayay
Dareenbaa dareenbaa
Dareenbaa jira hagaaya
Dareenbaa dareenbaa
Dareenbaa jira hagaaya
2x

Janada ifku waa agtaada
Farxadi waa wada jirkeena
Agjoogaaga dareen leh
Waxaad tahay jawi sameeya
Jidhkayga kula shaqeeya
Jawaabtaada ii muhiima
Juuqdaada kali i deeqdoo
Waxaad siday jaaniskayga

Hadii dadku wada jikaaro
Quluubta is jiidanaysa
Ciyaar ciyaar kuma kala jarmaadee
Mar walba iyagaa jiraaya
Mar walba iyagaa jiraa
Mar walba iyagaa jiraa
Mar walba iyagaa jiraa
3x

Exit mobile version