Heesta Ma ogtahay - Lyrics
Hadii uu dhib leeyahay
Ama dhaawac caashaqu
Anaa la i dhameeyoo
Qadhaadhkiisii dhamayo
Dhandhansadaye ma ogtahay
Ana dhaayahayguu dheega jacaylkani
Igu dhagay halbawlaha
Qalbigaad ku dhigantoo
Aanad dhaafin ma ogtahay
Dhadhabkiyo xasuustuna
Anigon is dhaadayn
Inaan kuu dhawaaqoo
Igu dheertahay ma ogtahay
Anba dhibicda roobkiyo
Sida dhool gu'yoo kale
Dadku ay u dhawraan
Ayaad iiga dhignaydoo
Kaa dhur sugaye ma ogtahay
Dheehoo jacaylkani
Dhakafaarshe weeyee
Midkan iigu kaa dhacay
Dhuuxa inuu ku modanyoo
La dhibtoodo ma ogtahay
Dhugashada kalgacalkana
Markii aan ku dheehdana
Maanku inu kuu dhalaan dholo
La i dhex qaado ma ogtahay
Hadii uu dhinbiil yahay
Ama dhuxul dab caashaqu
Dhulka oo qabaw jiro
Dhididaayo ma ogtahay
Dhaliniyo barbaartuna
Dhuxdhux la isu sheegiyo
Dhaliil inay ka dhigayaan
Sidaad iigu dheertoo
Kuu dhawrto ma ogtahay
Anba dhalad haweeneey
Dhaayo inayna ii qaban
Inaan kugu dhaweeyoo
Inta gabar dhigaaya
Kaa dhex muuqan ma ogtahay
Dhawaaqayga hadalkana
Dheeli inay ka maqantoo
Dhab jacaylku iga yahoo
Adoon igu dhex nooshoo
Ku dhaafayn ma ogtahay