Jacaylku markuu haligaad
Intuu miciyaha daray
Dhiigay muudmuudsadoo
Adiga kugu
Maahmaah duugoo murtiya
Balada kaa maqan adiga
Qayrkaabay magan utahee
Maalmihii mugdigeen ku jiray
Ragbaa isoo mootiyee
Aniga miciin ha iga sugin
Naftaada u meel dayoo

Aduun magacbaa ka hadha
Maaweelo aan lagu jirayn
Oo xumaha muuqdaan indhaha
Maqaar laga saari Karin
Miisaanbaan lagu socdaa
Halkaad maraysaa mubaax
Mas iyo good haduu ku jiro
Maskaxdu way diidaysaa
Aniga miciin ha iga sugin
Naftaada u meel daya oo

Exit mobile version