qadi ubax ku yaaliyo
sida qaanso roobaad
qaaliyeey xubnahaagiyo
quruxdaadu wacanaa

arkuba qorfiyo hawd
qalqalooca buuraha
dhasha kama qaloodee
dhoosha kama qamaadee

qacda horeba eegmada
qooraansi jaleecada
qaadirkii ku uumaa
qalad kaa ilaashee

geesi quudhsi diidoo
liibaan qorshiyo hawl
waligii qotomiyee
nafta waad u qalantaa

qarnigaynu joognana
qayrkaa hablaha kacay
adaan kaa qadariyaa

qiyaastii rageenana
adigaa qabkoogiyo
quruxiyo hankooga ah

qoraxdii arooryaad
qalbigaad uga dhigantoo
kaa quusan maayee
ila qaybso caashaqa

qorma dhiga naf qaybsiga
qiimaha dadnimadiyo
qumanoow jacaylkii
haka dhigin qabyiyo been

Exit mobile version