VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Naftayda - Lyrics

aduunyadu waa hayaan hadhkiyo waa labadiisa galin hoosiisbaa loo arkoo inaad hubisaa haboon dharaartii ma hadhsadoo habeenkii ma hurdayee naftaydan la hadlayaa intaa waan hiifiyaa hankaaga waxaan ahayn ka guur hiyigaan dhahaa jacaylkuna waa hanfi iyo dabaysha hugmaysa oo sidii haadkuu lalaa sidii haatufkaan la aragoo samaduu heehaabayaa intuu i haleelaybuu misana halistii dagee warmuu la haleelayoo hootadii hootadiibuu ila helee cishqigu meel ma hadhsadoo hogaanbu igu wadaa haadaanbuu iga ridaa hamuum anigo u qaba oo haraadkii i hayaba damac ku hungoobayaa. jacaylkuna waa hanfi iyo dabaysha hugmaysa oo sidii haadkuu lalaa sidii haatufkaan la aragoo samaduu heehaabayaa damac ku hungoobaya
Queue is empty
-- / --