VOA A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U W X Y Z


Naftii kuu ciilanayd Lyrics

intaad cudud ii ahayd
farxada nolosha cufnayd
qalbiga cimidhbaad ahayd
sidii calankaad sudhanayd
bogaad ku casuumanayd
ma tirin cisigaad mudnayd

intaan ila caaganeyd
cadhaysnayd iga fogeyd
cidladu way igu darnayd
cooladi haday xumayd
cadaadi waxaad lahayd
cadkiisa qofaad ahayd

caabarkad iga maqnayd
ala canaanta kasha ii darnayd
naftaa kuu ciilanayd
xasuusteeni cuslayd
ciqaabay igu ahayd

cindiga kelibad dagneyd
caqliga waxaad uga dhignayd
culiga niyada falayd
cabiray waxa ii cadayd
inaad cafisay ilahayd
ifkana ku cadaab lahayd

calaalin ii dhinayd
ii caawi haday ahayd
i baano miyay cuslayd
codkaada qudhii jeclayd
inay dheef cuni lahayd
ciyaar ma kula ahayd

caabarkad iga maqnayd
ala canaanta kasha ii darnayd
naftaa kuu ciilanayd
xasuusteeni cuslayd
ciqaabay igu ahayd


Lyrics by: khayre
loading..
-- / --