Heesta Qalbiga - Lyrics
Jacaylka kabaay i kabaay
Nolosha kamila kafeeyaay
La'aantaa kaalintaada
Dhigaa kari maayo buuxi
U kaalay naftayda u kaalay
Farxada u keenoo u kaydi
Kaskiyo ruuxdana ku quudi
Kalaamkiyo weedhahaaga
Anoo ku kalsoon naftaada
Saw maan kula korin jacaylka
Niyada anigoon kadeedin
Saw maan kurbadii ka dhawrin
Qalbiga saw kuguma koobin
Saw maan kaligaa ku siin
Kadiska adigoon filaynin
Hadyado saw kuuma keenin
Xaflada kulankiyo arooska
Inagoo keeg wada jarayna
Inago midba kii kaleeto
Cabsiinayo koob sharaaba
Inagoo midba koob sharaaba
cabsiinaayo kii kaleeto
Kunjeer saw kuma riyoodo