VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Quruxdii burco - Lyrics

caashaay qaalibaad tahay qalanjadii haweenkiyo inan qiimo laad tahay qotonkiyo hanaankiyo qaabkaaga socodkiyo timo qadawgana u eege qarqarada ka daadagaybaa maanka qaadanaayoo qalbiga jiidanaayoo qancisoo naftaydii waan kugu qaboobiyee qancisoo naftaydii waan kuu qushuuciye quruxdii togdheereey kaalay ubaxii qoryaalaay kaalay kaalay aniga ii kaalay quruxdii burcaad tahee kaalay quruxdii togdheereey kaalay caashaay qoorta dheeriyo suniyaha qorqoraniyo dhabanada qurayshta ah sanka soo qandoodiyo qosolkiyo dibnaha wacan dhexda qabatinka ahee siduu QAADIR kuu dhigay
Queue is empty
-- / --