Rug xalaaliyo
Raas laba dagtoo
Raaxada ifkiyo
Aayaha runta ah
Ku rafiiqdayoo
Isku reeyayoo
Laba raahibiyo
Ruux wadaagtiyo
Raas dagtoo
Noqda rayn rayn
Risiq wayn hela
Awlaad raxanoo
Raas qabow lehoo
Loo riyaaqana
Rabi ha idin siiyee

Laba roonuhu
Raas fiican uga dhigay
Jacayl raagoo
Raasamaal lehoo
Rabitaan qaba
Reeruhu ehelkiyo
Sokeeyiyo rixinkaba uriyaaqeen
Rukun la hadhsado rabi kaayeel
Awlaad raxanoo
Raas qabow
Loo riyaaqana
Rabi ha idin siiyee

Exit mobile version