VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ruuxa gala abaal - Lyrics

Garka iyo wadnaha, I kala goysoo Gantaalihii jacaylkaagii Bay i ganaayee! Inta aanan go’in Godka aana teginee! Ii soo gurmoo! I soo gaadhee! Ruuxa gala abaal Marbaa loo gudaa! Sida gacal laba ah Aan is garabsannoo Geerida horteed Aan is garabsannoo Gucle iyo orodbaa, Intaa gelayaa Ma gam’oo aragaagii Baan goobayaa! Anoo gelin xumaan Haygu noqon gardiidee! Ii garasamoo I gacan siiyee Ruuxa gala abaal Labaa loo gudaa! Sida gacala baa Aan is garabsannoo! Goor iyo ayaan Aan is garabsannoo; Gelinna ma hadhsado, Habeen iyo galaboo Geddoomoo xusuustaadii Baan gadmayaa! Geed baan damqane Godob hayga qaadinee Gu’gay waa yaryee Gabow ha igu ridinee! Ruuxa gala abaal Marbaa loo gudaa! Sida gacal laba ah Aan is garabsannoo Geerida horteed Aan is garabsannoo.
Queue is empty
-- / --